Somali: Miyaad ku cusub tahay xaafada?

To barn som sorterer avfallet i forskjellige dunker

Sidan ayaad u kala qaybinaysaa qasinka hadaad degan tahay kamuunadan Ringsaker, Hamar, Stange iyo Løten kommune.

Ku soo dhawaaw macmiil u ahaanshaha shirkada qashin qaadka ee  Sirkula IKS oo qaadi doonta qashinkiina.

Qashinka aad daadisaan waxa loo isticmaali doonaa in laga sameeyo waxyaalo cusub oo kale. Sidaas daraadeed ayaan waxa aynu sameenaa in aynu u kala qaybino qashinka qaybo kala duwan. Tusaale ahaan waraaqaha la tuuro warqado cusub ayaa laga sameeyaa halka quraaradahana quraarado kale laga sameeyo, daasadana waxa iyagana laga sameeyaa daasado cusub ama tusaale ahaan baaskeel ayaa laga sameeyaa daasadaha. Iyada oo dib loo isticmaalo khayraadka qashinka ayaa waxa ay fursad inoo siinaysaa in aynu kayd ahaan u sii haysano khayraadka dhulka ee weli aan la soo saarin, taasina faa`iido ayaa inaga iyo weliba jiilasha danbe inoogu wada jira.

Shirakda Sirkula ayaa qaabilsan oo ka shaqeesa qashinka guryaha ee kamuunada Ringsaker, Hamar, Stange iyo Løten. Dadka degan kamuunadaas waxa ay u bixiyaan lacagta qashin qaadka sanadle  ahaan. Lacagtaas waxa lagu sameeyaa:

Qashin qaadista guryaha

Waxa la qaadi shan nooc oo qashinka guryaha ah: qashinka cuntada, bacaha, waraaqaha, isku-dhex jira iyo quraaradaha/ birta.

Daaradiina waxa ooli doona tanagyo qashin oo kala duwan. Tanagyadaa waxa leh oo dayactirta shirkada Sirkula, waxaana u ooli doonaan daaradaada. Haddii aad degan tahay dhisme reero kale aad la wadaagtid ama guri dabaq dheer ah waxa jiri doona tanagyo qashin oo aad jaarka wadaagtaan.

Tanagyada qashinka ee la dhigo waxa ay leeyihiin midabo kala duwan, waxa aana dusha kaga qoran noocyada qashinka lagu ridi karo tanag kasta. Waxa kale oo jira bac weyn oo iyada lagu ridi doono qashinka bacaha.

Avfallsbeholder for papir, matavfall, restavfall, glass- og metallemballasje og plastsekk for plast
Afar tanag qashin iyo bac weyn ayaa ah kuwa lagu ururiyo qashinka guryaha fiilooyinka.

Renovatør som tømmer papir- og matavfallsdunker i to-kamret renovasjonsbil

Tanagyada iyo bacda waxa qashinka laga shubaa xiliyo kala duwan:

  • Qashinka cuntada (daboolka buniga ah) waxa la qaadaa hal mar 2-dii isbuucba.
  • Bacaha (bacda weyn), warqadaha (daboolka buluuga ah), iyo qashinka isku jira (daboolka cawlan) waxa la qaadaa hal mar 4-tii isbuucba.
  • Quraaradaha iyo birta waxa la qaadaa hal mar 8-dii isbuucba.

Maalmaha gurigaaga laga qaado qashinka waxa aad ka eegi kartaa jadwalka qashin qaadista adiga oo eegaya boga internett ka ee www.sirkula.no

Tanagyada iyo bacda waxa la sii diyaariyaa habeenka ka horeeya maalinta qashin qaadista.

Brun plastpose til matavfall og en rull med slike poser

Qashinka ka hara cuntada waa in lagu rido bacaha buniga ah intaanan lagu ridin tanaga qashinka ee daboolka buniga ah leh. Xasuuso in aad si wacan u gunudid bacda.

Sidan ayaad ku soo qaadan kartaa bacaha cuntada ama bacda

Handlepose knyttet på håndtak restavfallsbeholder og brun matavfallspose knyttet på håndtak til matavfallsdunk

Marka ay kaa dhamaadaan bacaha lagu uruursho bacaha, waxa aad sameenaysaa in aad dhinac kaga xirtid tanaga qashinka bac caadi ah si aad u ogaysiisid qashin qaadaha in bacdii kaa dhamaatay ka hor maalmaha qashinnka la qaado (bacda aad dhinaca kaga xiraysid tanaga waa kuwa dukaanka lagaga soo adeegto iwm).  Qashin qaaduuhu isaga ayaa ku siin doona baco qashin oo cusub marka uu qashinka qaadayo. Xasuuso in aad bacda ka furtid tanaga dhiniciisa marka bacaha lagu siiyo.

Waxaad helaysa baco cusub oo loogu talagalay palastika iyo cuntada hadhagga ah, waxaanad ka heleysa meesha qashinka lagu tuuro iyo xafiiska kommunka.

Qashin geynta rugta qashin dib habeenta

Gjenvinningsstasjonen i Brumunddal sett fra inngangsparti

Rugaha qashin lagu daadsho ee shaqaaluhu ka shaqeeyaan waxa xiliyada ay furan tahay geyn kartaa dhamaan noocyada qashinka ee kala duwan marka laga reebo qashinka cuntada la daadsho. Gaar ahaan aad ayay muhiim u sii tahay in aad goobtaas geysid qashinka khatarta ah si qashinkaas aanu dhaawac u gaarsiin caafimaadkeena iiyo weliba fayadhawrka deegaanka. Qashinka khatarta ah waxa ka mid ah tusaale ahaan baytariyada, guluubada, rinjiga, gaasta, saliida, sunta cayayaanka, moobiilada, xadhkaha korontada, alaabada elektarooniga ah iyo alaabaooyinka kale ee korontada  isticmaala.

Bilde av rød beholder for farlig avfall

Alaabta khatarta ah ku istimcal boggoska cas.

Waa bilash in aad ku soo dadisid meelaha qashinka loogu daadiyo wixi alab ah oo soo dadinaysid, laakin qashinka cadiga ah ee guriga waa lacag. Qiimaha ka eego sirkula.no

Waa inaad istimcaashid bac muuqata markaad qashinka caadiga ah ku soo dadinaysid meelaha qashinka lagu daadiyo. Bacahas waxad ka iibsan karta tukamada iyo Sirkula.

Cinwaanka goobahaas:

Xiliyada la furo rugta dib u habeenta (daadinta) qashinka waxa aad ka eegi kartaa www.sirkula.no

Waad ku mahadsan tahay in aad qashinka kala soocdid!

Ka hel caawimo kala soocid qashin bogga www.sirkula.no

Halkan waxa aad ka heli kartaa hagaha kala soocida ee .pdf 

Soo dajiso app -ka Min Renovasjon si aad kuugu soo sheegno xiliga qashinka la qaadayo moobiilkaaga

Sirkula IKS

Cinwaanka: Postboks 3, 2301 Hamar
Tilifoonka: 62 54 37 00
E-mail-ka: post@sirkula.no
Bogga internet-ka: www.sirkula.no

Fant du det du lette etter?

Takk for din tilbakemelding

Vi vil bruke din og andres tilbakemelding for å kontinuerlig forbedre denne siden.

Hva forsøkte du å finne?